Gabay Hambalyo & Bogaadin ku socoto Caruuska Cawaale Xuseen & Caruusada Ayaan Faarah

Gabay Hambalyo & Bogaadin ah oo uu Abwaan Xuseen Cabdi Xalane (sawirka) u tiriyey Arooska Cawaale Xuseen Cabdi iyo Ayaan Faarax Sheekh Biixi oo uu meherkoodu ka dhacay Magaalada Qaahira, ee Wadanka Masar bishan May dhexdeeda.
Abwaanku wuxuu yidhi sidan:
Cawaalow bilahan waan la’aa balaf warkaagiiye
Anna Reerahaa barakiciyo badarka caydh siinta
Kama badin baryahan oo tol kale baafiskii dhigaye
Basarkii galbeed yaalley iyo ba’ iyo luufluufki
Kaalgari adoo barafka dhici buul yar ka huluusha
Bigta waaga adigoo shaqada baratankii xiiqey
Bakhaar laga adeegtiyo adoo toban bac laadlaadin
Oo badanka daalkaa ku jira cagaha dhiig buuxshay
Buda kariska fiidkii adoo biraha haaraami
Bogga Doollo adigoo bishii gabay mar baandheeya
Bigjarkaygu saas buu ahaa buuxshay madaxiiye
War ka baydhsan baabkaan awiley beenta malahayga
******
Khayr badan bishaariyo war sida baanihiyo guusha
Barwadiisa lay keen anoo baahidiis qaba e
Adigoo bad qaba oo ilaah cudurro kaa baajey
Baaciyo bidhaantii adooyn quruxdi kaa buubin
Baxar dhaqanka soomaalidiyo garan buruuddiisa
Balwad ooma raacee hablaha waw bil tiriyaaye
Bidhaan kaliya ooguma xishiyo quruxda baarkaase
Beeshiyo asaaggiyo bahdaba waysu buriyaaye
Inaad gaalo kama beegsatide dib u boqoolaysay
Ood boqoradii dumar hantidey rag u banjoogoobey
Warka reer Xirsigu baahiyeen bage e waa guule
******
Basar quruxda wow leeyihiin Biixi ubadkiise
Bureeqadi Rasuulkiyo sidii geenyo banan joogta
Iyadoo citaal bogan lahoo buuxda xubinteedu
Iyadood cedceed soo baxdaa badanka moodeyso
Iyadoo baftiyo shaal birqiyo khayli laga buuxshay
Babacada xinnaa lagu bilbiley cagaha baashooda
Inaad Baatirtii Faarax dhalay bari la soo aadey
Ood bawd agtayada ah aroos jala buteynayso
Oo aad balaayaba istidhi buulkan kaga dhuumo
Allaylahay bilaash lama hadlee waan u bayraqaye
******
Badhax ma aha ee waa “pure” bah iyo reerkeede
Baad xaaraan ah waligeed ma baran booli reer kale e
Haddii adan nasiib badan lahayn buro rag dheeraadey
Buntukhiyo adoon geel ka bixin boqolka weydaartey
Bilaash kuma hesheen gaaridii baarqabka ahayde
Ha yeeshee nin soo caan baxiyo Baashi baa tahaye
Inaad baarka xulataana waa kuu bannaan tahaye
Burdahiyo waxaan kugu ayidey biliggi yaasiine
Reerkii badhaadhee ahaw dad iyo maal buuxa.